Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Federaalka iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo maanta shir yeeshay (Sawirro)

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Shirkan oo ay sidoo goobjoog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo faahfaahinka bixinayay shirka ayaa yiri” Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda, inagoo ka hadleynay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota”

Mudane Mahdi ayaa sheegay sidoo kale shirka lagu lafo guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo waddooyinkii arrintaas loo mari lahaa.

Shirkan ayaa lagu bogaadiyay horumarrada DFS gaartay muddooyinkii la soo dhaafay iyo joogteynta iyo xoojinta wadashaqeynta dowladda iyo saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaiya taageera.

Related posts

Maamulka Trump oo soo saaray Warbixin muran dhalisay iyo Saraakiil ka hadashay

Cabdi Cade

(Sawirro) Farmaajo oo amar deg deg ah siiyey heyadaha DF ka dib booqashadii B/weyne

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu yahay balanqaadka culus ee dowlada qatar u sameysay Somalia.

Caydiid Ali
Taboola Ads ---