Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Hawiye codsina u diray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada labada ee aqal ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.

Kulanka ayaa ahaa mid uu dalbaday Ra’isul Wasaaraha magacaaban, waxa uuna Xildhibaanada uu la kulmay Mr Rooble ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan sidoo kale taageeraan Xukuumada uu soo dhisi doono.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Hawiye oo kulanka ka hadlay ayaa taageero u balan qaaday Ra’isul Wasaaraha magacaaban , waxa ayna u sheegeen in ay siin doonaan codka kalsoonida marka Baarlamaanka la horkeeno.

Ra’iusul Wasaaraha magacaaban ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanayo Xildhibaanada golaha shacabka kuwaa uu ka codsanayo in codka kalsoonida siiyaan

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo si kulul uga hadlay Dadkii Al Shabaab laayeen iyo gaadiidkii la gubay

Cabdi Cade

(Sawirro) Laftagareen oo daahfuray xarun loo dhisay Wasaarad ka tirsan K/Galbeed

Caydiid Ali

Salman Khan oo ka bad baaday isku day dil oo salka ku haya aano dil uu ugaar u geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---