Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo hadal ka jeediyay xiritaankii shirweynaha Qaran ee dib u eegista dastuurka ayaa ka hadlay sababta ay shirkaas uga maqaayeen Maamulka Jubballand.
Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan naceyb u qabin dastuurka dalka, kana soo horjeedin balse ay jiraan xaalado uu ka gaabsaday oo sababay iney ka soo qeyb geli waayaan.
“Waxaan diyaar u nahay inaan kala hadalno Maamulka Jubbaland xaaladaha jira iyo haddii ay wax tabanayaan, dhawaana waxaa Muqdisho ka dhacayo shir ay leeyihiin Wasaaraddaha dastuurka ee Heer federal iyo Heer Maamul Goboleed” ayuu yiri wasiirka
Intii uu socday shirka dib u egista Dastuurka dalka ayaa waxaa la hadal hayay sababta ay Maamulka Jubbaland uga soo qeyb geli waayeen oo wax badan la iska weydiinbayeen, maadaama uu ahaa maamulka kaliya ee ka maqnaa shirkaas marka la eego maamulada kale ee dalka oo shirkaas soo wada xaadiray.
Wasiirka dastuurka Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey dhowaan ineysan ka qeyb galeynin shirweynaha Qaran ee dastuurka isagoo aan cadeynin sababta, balse xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex gashay Jubbaland iyo dowlad dhexe ayaa la aaminsan yahay inuu sababay baaqashada Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com