Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuc lagu Ballaarinayo Garoonka Aadan Cadde oo socda (Daawo Sawirada)

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta garoonka.

Mudane Mahdi oo uu wehliyo sii hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar, saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna mas’uuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka.

Sii hayaha wasiirka Gaadiidka Cirka XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan howlo baaxad leh oo lagu ballaarinayo garoonka.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxuuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dibed bixii ugu weynaa ee ka dhan ah Maraykanka oo ka socda Ciraaq

Caydiid Ali

Jawaari oo maanta oo kale loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka & Fashilka ku yimid Jadwalka

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si qurux badan loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---