Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho casuumaad ugu sameeyay xubnaha labada Gole ee Barlamaanka JFS ee laga soo doorto Galmudug .
 
Kulankan waxa kasoo qeybgalay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo dhammaan Xildhibaanada Galmudug laga soo doorto.
 
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhamaan intii kasoo qeyb gashay asagoona si kooban uga warbixiyay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsheyaasha mustaqbalka dhaw uga degsan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo dib uheshiisiinta.
 
Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee kasoo qeyb galay casuumaadda ayaa ugu danbeyntii ka mahadceliyay madaxweynuhu ku casuumay, ayagoona boggaadiyay dadaalada Horumarineed ee ka socda Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Adis Ababa ka degay kana cadeenaya Mowqifiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Farmaajo waxaa isaga qaldan Madaxbanaani dal iyo Mid shaqsiyadeed”

Caydiid Ali

Gabar Mudo seddex sano socotay kabo la’aan iyo Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---