Kubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa dhaleeceyn kala kulmay xiriirka kubadda cagta Jarmalka (DFB) kadib markii uu baraha bulshada soo galiyay sawir uu la galay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Mesut oo jinsiyad Turkey ah leh ayaa sawir la galay Recep Tayyip Erdogan oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ingiriiska, waxaana ku wehliyay xiddiga Manchester City Ilkay Gundogan iyo dhawaan-galka Everton Cenk Tosun kaas oo ku dhashay Jarmalka.
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Jarmalka Reinhard Grindel ayaa soo jeediyay iney tahay wax niyad jab ah arrinta uu sameeyay Mesut Ozil.
Sida warbixinta lagu sheegay xiriirka kubadda cagta Jarmalka (DFB) lama dhacsana aragtida siyaasadeed ee madaxweyne Racep Tayyip Erdogan, sidaas darteedna sabab looga dhigay dhaleeceynta ay dusha u saareen Ozil.
“Dabcan DFB waxey ixtiraameysaa xaaladaha gaarka ah ee xidigaheena asal muhaajiriinta ah, balse kubadda cagta iyo DFB waxey u taagan yahiin qiimaha uusan Mr. Erdogan si ku filan u ixtiraamin” ayuu u qornaa bayaan uu aqriyay Grindel oo kasoo baxay Grindel.
“Sidaas daraadeed, maahan wax wanaagsan in xidigaheena qaranka ay ogolaadaan in loo adeegsado ololaha doorashada, xaqiiqdii maahan wax caawinaya dadaalada xiriirka ee is dhexgalka”
Dhanka kale halyeeygii hore Jarmalka Oliver Bierhoff oo sidoo kale ah isku duwaha xulka qaranka ayaa isna yiri: “Wali waxaan shaki iiga jirin Mesut Ozil iyo Ilky Gundogan ay ka go’antahay iney u ciyaaraan xulka Jarmalka iyo sida ay ugu taagan yahiin qiimaha aan leenahay”
“Waa kuwa aan ka warqabin tilmaamaha ay bixinayaan sawiradaas, balse ma aqbali karno, waana kala xaajoon doonaa arrimahaas ciyaartoyda”
W/Q Abdirashid Mohamud “SHarDinHO”
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com