Xeer ilaalinta dowlada Itoobiya ayaa dacwado la xariira argagaxisinimo kusoo oogtay xubno caan ah oo kamid ah mucaarad Xukuumada Itoobiya, kuwaa oo la xir xiray kadib rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay gobolka Oromada.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in 24-qof oo lagu soo oogay dacwado la xariira argagaxisinimo iyo falal dambiyeedyo kale maxkamad la horgeyn doono maalinta Isniinta ee soo socota.
Dadkan maxkamada la horgeyn doono waxaa ku jira hogaamiyaha caanka ah Jawar Maxamed oo saameyn badan ku dhax leh Qowmiyada Oromada sidoo kale taageero badan ku dhax leh Qowmiyada Oromada.
Xubnahan mucaaradka ah ee Maxkamada la horgeenayo ayaa sidoo kale loo heestaa qalalaase isir ku salaysnaa oo dhawaan ka dhacay dalkaas ka dib markii la dilay fanaanka caanka ah ee Hachalu Hundessa.
Rabshadaha ka dhashay dilkii Fanaanka Oromada ayaa gudaha Itoobiya gaar ahaan gobolka Oromada ka abuuray khalalaase xoogan, waxaana ku dhintay rabshadahaas oo dhacay bishii Juune 150 qof ay ku jiraan saraakiil iyo ciidamo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com