Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Al-Shabaab oo soo bandhigtay dayuurad ku dhacday degaanka..

Al-shabaab ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigeen dayuurad nooca basaaska ah oo uu Mareykanku leeyahay taasoo ku soo dhacday duleedka garoonka diyaaradaha Balidoogle oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Dayuuradan oo ay ku rakiban yihiin kaamirooyinka wax lagu basaaso ayaa dhacday xilli ay dul mareysay degaan ay gacanta ku hayaan Al-shabaab

“Dayuuradda ayaa xilligii ay soo dhacaysay ilaalo ka haysay saldhigga ciidanka American-ka ee garoonka Balidoogle, waxaana qaaday mujaahidiinta oo ka furay kaamirooyinkii ku xirnaa” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha kooxdaas.

Waa dayuuraddii labaad ee ciidanka Mareykanka uga soo dhacda Koonfurta dalka Soomaaliya bil gudaheed, todeobaadkii la soo dhaafay ayayna aheyd markii dayuurad aan duuliye lahayn ay sidaan oo kale ugusoo dhacday meel ku dhow saldigga ciidanka Mareykanka ee garoonka dayaaradaha Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shan qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Weerar ka dhacay Duleedka Warsheekh (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo si kulul u dhaleeceysay xukuno uu fuliyay Maamulka Taliban

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somalia oo baaq deg deg ah ka soo saaray colaada Wanle-weyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---