Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha Mashaariic laga hirgelinayo Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dib u habeyn lagu sameynayo xarunta ciidanka ilaalada deegaanka Xamar iyo Dad dhigista ee degmada Shangaani.

Dhagax dhigga guddoomiyaha waxaa ku wehlinayay ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Mudane Cumar Cali Cabdi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka Xamar.

Taliyaha ilaalada deegaanka Xamar Cabdinaasir Maxamuud Indha-qarshe ayaa guddoomiyaha gobolka uga mahad-celiyay in maamulkiisu uu isku howlo sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta ilaalada deegaanka iyo waaxda Dad dhigista.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxda Dad dhigista muddo yar ka hor la dayactiray balse maadaama ay badda saarantahay ay ku dhaceen biyaha sidaasna ay ugu ekaatay in aan hore loo dayactirin isagoo sheegay in hadda ay dib u habeyn ku sameyn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda sare oo saakay bilowday Dhageysiga Dacwada kursiga Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Magaalada Wajeer

Caydiid Ali

RW Rooble oo markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka isaga iyo Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---