Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Faah faahin ka bixisay Diyaaradii saakay kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Diyaarad nuuca Xamuulka qaada ah oo leedahay shirkada SKY Ward ee dalka Kenya ayaa saakay kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib markii cilad lasoo daristay.

Sida aan wararka ku helnay Diyaaradan oo xamuul u qaaday magaalada Baladweyne ayaa dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cadde kadib markii cilad lasoo daristay, waxaana diyaarada markii ay soo laabatay kusoo dhacday qeyb kamid ah garoonka.

Sii-hayaha wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in diyaarada uu soo gaaray bur bur kadib markii ay ku dhacday darbi shub ah oo garoonka xeenbaab u ahaa.

Waxa uu xusay Wasiirka in qaar kamid ah Shaqaalaha Diyaarada soo dhacday ay soo gaareen dhaawacyo fudud loona qaaday isbitaal, waxa uuna xusay Wasiirka in la baarayo cilada sababtay in diyaaradan soo dhacdo.

Shaqada Garoonka diyaaradaha ayaa hakad la galiyay ilaa galabta kadib shilkaasi diyaaradeed, waxaan qaar kamid ah diyaaradaha Caalamiga oo kusoo wajahnaa Muqdisho lagu wargaliyay in aysan soo degi karin .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & Mss. Federica Mogherini? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Turkiga oo digniin adag kasoo saaray faragelin lagu sameeyo maamulka Suuriya

Cabdi Cade

Maraykanka oo digniin kama dambeys ah siiyey Turkiga & xiriirka labada dal oo meel adag maraya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---