Allbanaadir.com
NEWS

Xiisadii Imaaraadka ka abuuray Jaziirada Soqotara oo la xaliyay (Daawo Sawirro)

Ciidamo kasocda dalka Imaaraadka Carabta ayaa xiisad ka abuuray Jaziirada Soqotora ay maamusho dowlada Yaman ,kadib markii ciidamada Imaaraadka si xoog ah ula wareegeen Dekadda iyo garoonka Jaziiradaasi.

Dowlada Yaman ayaa ka carootay ciidamada Imaaraadka ee xooga ku tagay Jaziira Soqotora ay kunool yihiin dad taageersan dowlada, waxaana Jaziiradaasi ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday Ciidamada Imaaraadka.

Sacuudiga oo hogaaminaya Isbaheysiga Yaman ku duulay ayaa dhax dhaxaadiyay dowlada  Imaaradaka  dowlada Yaman, waxaana Sacuudiga ku guuleestay in xal laga gaaro xiisadii taagneyd.

Ra’isul Wasaaraha dalka Yamen Ahmed Obeid bin Daghr ayaa shalay bartiisa Facebook qoraal uu soo dhigay ku sheegay  in la xaliyey khilaafkii u dhaxeeyey dowlada Yamen iyo Imaaraatka.

Ciidamadii Imaaraadka ee xooga ku qabsaday Jaziirada Soqotara ayaa halkaasi isaga baxay, waxaana Jaziirada hada la geeyay Ciidamo u dhashay Sacuudiga oo wax ka xaqiijinaya amaanka Jaziiradaasi.

Dowlada Imaaraadka oo saameyn badan ku yeelatay Yaman ayaa horey ugu eedeesay dowlada ay hogaamiyaan Madaxweyne Hadi iyo Ra’isul Wasaare Ahmed Obeid bin Daghr ku kaceen Musuq maasuq caqabadna ku noqdeen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo Guddi Wasiiro ah u Magacaabay xalinta dagaalka Xeraale & Cabudwaq

Caydiid Ali

Dowladda Faransiiska oo Hub iyo Saanad milatari u dirtay dalka Ukraine

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey Shirka Jarmalka & Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---