Madaxweyne Farmaajo waxaa dhagartiisii fashiliyey wadajirka siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa madaxbanaan, bulshada caalamka, iyo madaxda maamul goboleedyada, wuxuuna si qasab ah ku qaatay ogololaanshaha guuldaradiisa kadib marka u diidey tanaasul ku habooneyd inuu qaato wakhti hore oo ay ka soo wareegtey wakhti dhumin soo jiitameysey wakhti dheer oo si xilkasnimo xumo leh looga soo gudbey. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku guuleystey in doorashada xildhibaanada laga soo wareejiyo ku shubashada madaxweynaha, loona soo wareejiyo ku shubashada madaxda maamul goboleedyada, maxaa yeelay madaxweynaha wakhtigii uu awooda u lahaa arrimahaan wuxuu diidey talooyinkii wanaagsanaa, hadda oo uusan awood u lahayn arrintaasna wuxuu ku qasbanaaday inuu qaato talo la ogolaado mida ugu liidatey. Tusaale ahaan wax wanaagsan bay ahayd in xildhibaanka ugu yaraan ay soo doortaan wax ka badan 303 iyo in dhowr magaalo ay doorasho ka dhacdo si loogu sii dhowaado dadweynaha oo xaqooda codbixinta degaanadooda loogu geeyo.
Jabkaas siyaasadeed bedelkeeda si indhaha dadka looga mariin habaabiyo oo haddana loogu indhosarcaadiyo tabashooyinka reer Muqdisho ayaa ka qabeen magacaabista raisulwasaaraha ayuu madaxweynuhu waxaa soo magacaabay shaqsi ay qaraabo dhow yihiin Fahad Yasin, dhanka kalana ay gacal xidida yihiin madaxweynaha, laakiin dadku waxey isweydiinayaan waxa kulmiyey magacaabista raisulwasaaraha iyo fashilka uu ku soo dhamaaday xeeladii madaxweynuhu ku doonayey mudo kororsiga dadban.
Dagaalka siyaasdda looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo wajigiisa runta ah waa bilow maxaa yeelay waxaa sii kordhaya baaxada uu saameynayo guuldaradiisa siyaasadeed, waxaana rididiisa ka dhiman marka ay dhacdo in xildhibaanada labada aqal oo aan heshiis ahayn ay raisulwasaaraha cusub u diidaan codkooda kalsoonida, taas oo ay kaga falcelin karaan balan ka baxyo badan iyo ceebo badan oo uu dhexda ka geliyey xildhibaanada oo ay u ansixiyeen sharciyo dhowr ah oo aan munaasab ahayn sida meelmarinta doorasho ah qof iyo cod oo dhacda 2021.
Fashilka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu saameyn xoog leh ku sameeyey xisbiyada siyaasadeed oo uu fikirkoodii meel cidlo ah uga dhaqaaqay, isaga oo aqbalay in dib loogu noqdo doorasho qabaliya oo ah 4.5. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay dadaaladii ay saddex sano soo wadeen gudiga madaxabanaan ee doorashooyinka oo waxqabadkoodii laga dhigay hal bacaad lagu lisay, taas oo soo kordhisay colaado siyaasadeed oo cusub iyo ismaandhaaf cusub oo looga guuray dastuurka kmg ah.
Waxaa hadda bilaabaneysa mowjadaha siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa madaxbanaan, iyo madaxda ururada bulshada rayidka ah oo aan wax talo ah laga siin wada xaajoodka geedi socodka doorashada 2020 – 21. Kuwaas oo aysan musharixiintoodu ogolaan doonin tartanka doorasho oo aysan wax talo ah ku lahayn abaabulkeeda iyo geedi socodkeeda, waxaana ugu daran in musharixiinta dhanka dowladda ay doorashada ku yeeshaan saameyn weyn meesha kuwa mucaaradka ah iyo kuwa madaxbanaan ay dibed joog ka yihiin geediga loogu jiro qabsoomida doorashada ay musharixiinta ka yihiin, taas oo kalifeysa ama madaxweynuhu inuu iscasilo ama ay doorashada wadaan xukuumada si wada jira loo soo dhiso.
Raisulwasaaraha cusub ee la soo magacaabay xiligaan kala guurka ah haddii uusan haysan kalsoonida siyaasiyinta mucaaradka iyo kuwa madaxbanaan wuxuu ku bilaabanaya hawlgab, kuna dambeynayaa ineysan cidana ogolaan xalaalnimada hawl gudashadiisa. Inkastoo raisulwasaaruhu yahay mid lagu qiilbaxayo oo aan la soo magacaabin wakhtigii sharciyadiisa ku habooneyd, haddana waxaa muuqata qaadashada wakhti dheer oo lagu soo dhisi karo xukuumad lagu wada qanacsan yahay oo xil sii hayn karta xiliga kalaguurka oo ay dhici karto in madaxweynaha xil gudasho la’aan lagu raacdeyn karo.
Doorkii ay rabeen waa ay gaareen madaxda maamul goboleedyadu oo ah iney awooda ugu badan ay iyagu iska leeyihiin doorashada lagu soo dooranayo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed, halkaasna waxaa ku soo afjarmay qabashada doorasho ay isla wada ogol yihiin madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada. Waxaa hadda furmaya dhismaha xukuumada xil sii haynta oo ay wada ogol ku yihiin madaxda dowladda dhexe iyo siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa aragtidoodu dhexdhexaadka tahay oo sidaas la’aanteed aysan suurtogal ahayn iney qabsoonto doorasho ay ku kalsoon yihiin musharixiinta mucaaradka iyo kuwa madaxbanaan, si taas go’aan looga gaarana heshiis horudhaca in laga yeesho inta aan la soo magacaabin xukuumada xil sii haynta.
Madaxweyne Farmaajo meel cidlo ah ayuu taagan yahay, siyaasadxumadii uu wateyna waa ku wada fashilmay, waana taas mida keentay marka ay isqabsadeen in beesha caalamka ay uga hiiliso madaxda maamul goboleedyada, waxaana soo socota mar labaad iney uga hiiliso mucaaradka marka ay isku maan dhaafaan dhismaha xukuumada xil sii haynta. Mw Farmaajo waxaa looga quustay si xushmad leh inuu xilka uga dego marba haddii aysan jirin cid xurmad u haysa sii joogitaankiisa, waxaanse hubaa iney lama filan waa ku noqon doonto inuu tago isago aan ku qanacsaneyn heshiiska uu ku baxayo.
Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed
Maine. Texas, USA
Fiiro gaar ah: Qoraalkan kama turjumayo aragtida allbanaadir online, wuxuu gaar u yahay fekerka qoraaga ku saxiixan