Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo goor dhow lagu dilay Magaalada Jowhar

Wasiir ku-xigeenkii arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle Nuur Xaashi Warsame ayaa goor dhow oo caawa fiidnimadii ah lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Sida ay Allbanaadir Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle dilka Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa geystay dabley bastoolado ku hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

Marxuum Nuur Xaashi Warsame ayaa sidoo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta dilka Wasiir ku-xigeenka caawa loogu geystay Magaalada Jowhar.

La soco wixii soo kordha

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaare ka dhashay duqeyntii Villa Soomaaliya iyo hoobiye ku dhacay hoyga Wasiirka..

Caydiid Ali

(Sawirro) Su’aalo la iska weydiinayo shilka uu ku dhintay Madaxweyne Ibrahim Raisi

Caydiid Ali

Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo dhisanaya Caasimad cusub iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---