Sii hayaha Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa cambaareeyey fal dil ah oo ka dhacay degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe, kaasoo lagu laayey Culimo aan waxba galabsan.
Waxaa uu tacsi u diray Qoysaskii iyo ehelkii ay ka baxeen macalimiintii la dilay, xilli ay Qur’aan subcinayeen, taasoo uu ku tilmaamay fal guracan oo laga xumaado.
“Aad baan uga xumahay dilka culimmada loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen, Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga” ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Ilaa 6-ruux oo 5-ka mid ah ay Culimo ahaayeen ayaa saaka lagu dilay deegaanka Raage Ceelle, waxaana falkaas ku dhaawacmay hal ruux, kaas oo dhaawaciisa la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiil ciidan ayaa ku wajahan deegaanka dhibku ka dhacay, si ay baaritaan iyo dabagal ugu sameeyaan kooxdii falkaasi gaysatay oola sheegay iney ahayeen maleeshiyo beeleed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com