Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada gobolka Banaadir oo maanta la horgeeyay dadkii u xirnaa Dilkii iyo Kufsigii Xamdi

Waxaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir la geeyay 12-qof oo u xirnaa kiiska kufsiga iyo dilka Hotel kuyaala magaalada Muqdisho jimcihii loogu geestay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar 19-sano jir ah oo sanadkan ka baxday Dugsiga Sare.

Dadka maanta maxkamada Gobolka Banaadir lasoo taagay waxaa ku jira ninkii ciidamada booliiska kasoo qabteen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaas oo qirtay in isagu geeyay gabadha Hotelka laga soo tuuray.

Maxkamada maanta la horgeeyay eedeesayaasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaamno katirsan Baarlamaanka federaalka, masuuliyiin kala duwan, ehelada gabadha la dilay iyo ehelada qaar kamid ah eedeesanayaasha.

Maxkamada G/Banaadir ayaa amartay in xabsiga laga sii daayo shan nin oo kamid ahaa dadkii kiiskaan u xirnaa oo ku jiraan labo nin oo u ekaa ninka Cadaado laga soo qabtay iyo sidoo kale ninkii lahaa Carwada uu ka shaqeenayay ninka gabadha Hotelka geeyay.

Waxa ay sidoo kale Maxkamada amartay in xabsiga lagu sii haayo si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo dadka kale eedeesanayaasha ah ay ku jiraa ninkii qirtay in gabadha Hotelka geeyay, Milkiilaha Hotelka , iyo dad kale oo Hotelka laga xiray.

Dadka maanta la horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa  qaarkood lagu tuhmayaa in ay si toos ah ugu lug lahaayeen falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Hotelka loo geestay Xamdi Maxamed Faarax.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo sheegatay qaraxyadii maanta ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo soo dhaweyntiisa oo loo diyaar garoobayo

Cabdi Cade

Banaan bax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---