Dib-u-dhisid ciidan oo xoog leh, guulo badanna laga gaaray ayaa socotay mudadii sedaxda sano iyo dheeraadka aheyd ee ay jirtay xukumadii ugu dambeyn lagu kala diray hannaanka muranka badan dhaliyay.
Sida caadiga ah dhismaha iyo horumarka sameyntooda dhib badan ayaa laga maraa, dumintuna waqti badan uma baahna, waxaana hadda soo ifbaxaya in guulahii laga soo hooyay dib-u-dhiska qeybta amniga dalka la xagal daacinayo iyada oo laga dhex arko dano gaar ah.
Waqti kooban uun kadib markii ay dhacday xukuumadii uu hogaaminayay Xasan Cali Khayre, hase yeeshee sideedii shaqada u wadda wali, ayaa la cuuryaamiyay howshii tubta amniga iyo cadaaladda, waxaana si awood sheegasho lagu hoos geeyay xafiiska madaxweynaha iyada oo madaxii tubta amniga lagu qasbay inuu shaqada ka tago, arrintaas oo aheyd billaawga duminta awoodii ciidan iyo u durbaan tumidda fowda cusub oo dalku lugta la galo.
Waxaa shaqada laga eryay saraakiil dhallinyara ah oo qeyb ka ahaa amniga dalka, qaarkood ayaana xabsi guri laga dhigay waxaana lagu bedelay saraakiil aan aqoon iyo karti midna ku dhameyn, arrintaas oo sii iftiimisay meesha ay tagto wadada lagu wado ciidanka qaranka.
Shalay waxaa gadooday ciidamo ka tirsan nabad sugidda hubeysan oo ka cabanaya xuquuq la’aan mudda bilooyin ah, waxaana qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in xaquuq la’aanta ay u dheertahay in loo sheegay inay kala tagaan oo nin waliba uu aado meesha uu doono.
In la kala diro ciidan lasoo tababaray oo qarash badan ku baxay lana qalabeeyay ma aha wax sahlan oo ay go’aankeeda la haayeen kooxo ama saraakiil kooban hase yeeshee waxay u muuqataa mid salka ku heysaa fulinta dano siyaasi ah oo saameyn ku yeelnaya mustaqbalka umadda gaar ahaan caasimadda.
Dadka ku xeer dheer arrimaha amniga waxay sheegayaan inaysan suuragal aheyn in dowladdu ay mushaar u weysay ciidamada, hase yeeshee qorshuhu yahay in marka ay u adkeysan waayaan xuquuq la’aanta ay la tagaan hubkooda oo ay magaalada fowda ka bilaabaan, hadii ay doonaan ay ku biiraan kooxaha dowladda diidan taasina ay wadda u xaarto qorshe lagu sheegayo in amniga dalku uu faraha kasii baxayo oo aan doorasho la qaban karin xilligaan, loona baahanyahay in marka hore laga shaqeeyo soo celinta amniga.
Sida dadka indheer garadka ah ay qabaan, hadii aan laga gaarin arrinta, waxaa suuragal in laga dhaxlo cawaaqib xumo baahsan oo horseedda burbur ay adagtahay in dib looga kabsado, waxayna ku talinayaan in wax laga bedelo hab-dhaqankaan oo aan dan u aheyn cidda soo hidinstay iyo guud ahaan Soomaalida inteeda kale.