Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Somaliland oo loo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha 

Fadhigii 64aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub.
 
Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, ka dib wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryahaasi sidoo kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.
 
Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay isimada Gobolka Bari (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Caydiid Ali

Xamaas oo cadaadis adag kala kulmeysa dalalka Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---