Allbanaadir.com
NEWS

Wadaado Subac Akhrinayay oo Saalay lagu laayay Degmada Cadalle (Akhriso Magacyada)

Wararka ka imaanaya degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeesan oon wali heebtooda la garan saakay aroortii laayeen wadaado subac akhris ku jiray .

Wadaadan oo u badnaa macalimiin dugsi ayaa la dilay xili salaadii subax kadib bilaabeen in ay subac akhriyaan, waxaana wadaadada la dilay ku jiray labo nin oo walaalo ahaa sida aan wararka ku helnay.

Dilkan argagaxa leh ee loo geestay wadaadadan aan cidna dambi ka galin  ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil, waxaana dhacdadan dadka badan ka naxeen aad u hadal haya dadka kunool degmada Cadalle.

Halkan ka Akhriso Magacyada Wadaada la dilay 

1. Sheikh Daahir Xasan Cali Dheere

2. Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

3. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe

4. Macalin Mukhtaar C/llaahi Cilmi

5. Macalin Maxamuud Canbuure

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Interpol (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah faahin kasoo baxeysa dil saakay loo geestay Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey

Cabdi Cade

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---