Allbanaadir.com
NEWS

Xubno cusub oo kusoo biiray Shirka Muqdisho iyo Qodobada qaar oo la isku hayo

Shirka Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho ayaa yeeshay waji kale, waxaana wali jira qodobo badan oo ay isku mari la’yihiin madaxda uu shirka uu u socdo.

Sida aan wararka ku helnay Shirka oo xalay dib uga bilowday magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo biiray xubno cusub oo matalaya dowlada federaalka kuwaa oo kala ah Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Ra’isul Wasaaraha.

Shirka ayaa waxaa horey dowlada Federaalka ugu matalayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kaliya, waxa uuna u muuqdaa mid hada shirka intii hore ka balaaranayo uuna marayo meel xasaasi ah.

Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada shirka u socdo ayaa isku haya qodobo dhoor ah ay kamid yihiin cida maamuleysa doorashada iyo sidii doorashada qeyb uga noqon lahaayeen doorashada Guddiyo ka socda Maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale qodobada la isku hayo kamid ah in doorashada dhaceysa aanan xisbi lagu gelin iyo sidoo kale in deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo.

Shirka socda ayaa lagu soo waramayaa in Madaxda Dowlad goboleedyada ay isku aragti ka yihiin qodobada qaar , waxaana qodobadaasi ay isku raacsan yihiin Madaxda maamulada kasoo horjeeda Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkada Hormuud oo Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo caawa soo saaray Qaraar xasaasi ah oo ku…

Cabdi Cade

Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---