Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo gadoodsan oo xirtay laami ku dhaw Taliska Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya

Ciidamo gadoodsan oo katirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa goordhaw xirtay  inta u dhaxeysa Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Jubba oo ku dhaw taliska Nabad Sugida ee kuyaala Guriga Habar Khadiijo.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan gadoodsan ayaa ka baxay garoonka Diyaaradaha Dayniile oo mudooyinkii dambe saldhig u ahaa, waxaana la sheegay in ciidankan ka cabanyeen mushaar la’aan dhoor bil ah.

Ciidamadan gadoodsan ayaana ayaana xirtay laamiga u dhaxeeya Isgooska Jubba iyo Taalada Daljirka Dahsoon, waxa ayna diideen in gaadiidka halkaasi maraan, iyadoona dadkii aagaasi ku sugnaa cabsi lasoo daristay.

Saraakiil katirsan ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ayaana la sheegay in ay gaareen aaga ay xirteen ciidankan careesan, waxa ayna saraakiisha wadaan dadaalo ay ku qancinayaan ciidamadan gadoodsan.

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaan horey looga baran in ay gadood sameeyaan, lamana oga waxa xiligan kusoo beegay ciidankan ka cabanaya mushaar la’aanta xili dowlada ku faanto in bil walbo bixiso mushaarka ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isra’iil oo siideysay sadex nin oo u dhashay dalka Turkiga (Daawo Sawirada)

admin

Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia oo Sheegay in aysan jirin Cid Muqdisho Marti ku ah

admin

Rag dilka geestay oo laga soo qabtay Xadka Kenya loona gacan geliyay Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---