Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Murashax Xildhibaan Mohamed Yusuf oo cambaareeyey sida Farmaajo uu ugu tuntay awood qaybsigii dowladnimada.

Mohamed Yusuf Ahmed  oo ah Murashaxa u taagan Xiubinta Xildhibaanimo ee aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey sida madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna sheay in uu ku tuntay awood qaybsigii beelaha isagoo R/wasaare soo magacaabi waayay xilligii loogu tala galay.
Sidoo kale Mudane Yusuf ayaa Yiri ”Waa nasiib darro in Madaxweynihii uu ixtiraami waayo heshiiska dowladninada Soomaaliya oo uu ku tunto” oo qadka ugu waramayay Albanaadir Online .

Waxa kale oo uu muujiyay walaaca uu ka qabo sida dowladdu aysan raali uga ahayn in doorasho heshiis lagu yahay ay ka qabato dalka, iyadoo doonaysa in waqtiga ay ku lumiso xasarad siyaasadeed.

”Walaaca aan qabno waa mid isa soo tarayay mana noo muuqato in dowladdu ay daacad ka tahay qabashada doorasho heshiis lagu yahay” ayuu yiri Ahmed oo intaas raaciyay sida ay wax looga xumaado u tahay in maanta aan la ogeyn halka dalku uu ku socdo.

Tan iyo marki xilka uu baneeyey R/wasaarihii hore Xasan Khayre waxaa soo badanayay cabashada beelaha Hawiye ee xilkaas aan ilaa iyo hadda loo magacaabin.

 

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad iyo Mr. Adam Abdelmoula? (Sawirro)

Caydiid Ali

Joe Biden oo ugu baaqay Muwaadiniinta Mareykanka in si deg deg ah uga baxaan Ukraine

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan Muhiim al la qaatay Amiirka dalka Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---