Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku booqday guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Booqashada Axmed Madoobe ugu tagay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salka ku heysay salaan iyo sidoo kale kulan talo wadaag ah, waxaana kulan labada masuul dhax maray uga wada hadleen Arimo ay kamid yihiin Doorashooyinka iyo xaalada kala guurka ah.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kala hadlay Axmed Madoobe shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo sidii shrkaasi u noqon lahaa mid miro dhala oo natiijo lagu qanco ay kasoo baxdo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaana warbixin ka siiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shirka ka socda Muqdisho iyo sida maamulkiisa u rabo in ay dhacdo doorasho raali laga wada yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com