Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada maamulada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa saakay ka socda Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaalkan la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa lala duwan .
Deegaanka Tukaraq ay isku horfadhiyeen ciidamada labada maamul ayaa lagu soo waramayaa in saakay dib uga qarxay dagaal culus, waxaana dagaalka yahay mid wali ka socdo aaga Tukaraq.
Taliyaha milatariga maamulka Somaliand Nuux ismaaciil Taani, ayaa sheegay in dagaal uu ka socdo gobolka Sool, wuxa uuna ku eedeeyay dagaalkan saakay in ay soo qaadeen Ciidamada Puntland.
Maamulka Puntland ayaan dhankooda ka hadlin dagaalkan saaka ka socda furumaha Gobolka Sool ay isku horfadhiyaan ciidanka Somaliland, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Puntland war kasoo saarto dagaalkan.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com