Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa maalmo ka dib war ka soo saartay dilkii iy kufsigii foosha xumaa ee magaalada Muqdisho loogu geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ardayad ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu cambaareeyey falkaas oo lagu tilmaamay mid jariimo ku ah dhaqanka Suuban ee umadda Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADA
CAMBAAREYN IYO TACSI
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay si adag u Cambaaraynaysaa falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geestay Marxuumad Xamda Maxamed Faarax, Falkan argagaxa ah ee lagula kacay Marxuumad Xamda waa Jariimo weyn oo lid ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo aanan marnaba loo dul qaadan Karin.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxey Hay’addaha Caddaalada ee dalka ka dalbanaysaa in kuwii falkaan geystay la horkeeno caddaalada laguna qaado ciqaab u dhiganta gabood falka ay u geysteen Marxuumad Xamda Maxamed Faarax.
Siihayaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Fawziya Abiikar Nur iyo dhamaan shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Dhamaan umada soomaliyeed, gaar ahaan Ehelka iyo Qaraabada Marxuumad Xamda Maxamed Faarax, Ilaahay ha u Naxariisto.
Innaa Lillaahi Waa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com