Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka: Sarkaal ku xad gudbay nin madow ah oo shaqada laga ceyriyey (Sawirro)

Saraakiisha Booliska gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shaqada laga ceyriyay sarkaal boolis ah kaddib markii uu ku xad gudbay nin madow ah

Askariga  shaqada laga saaray  ayaa ku soo baxay muuqaal muujinaya isagoo dhulka ku tuuraya nin madow ah isla markaana dharbaaxo iyo feer la dhacaya.

Muuqaalka la baahiyay wuxuu muujinayaa labo boolis ah oo gacanta ku haya Roderick Walker halka midkoodna uu dharbaaxaya ama uu feerayo.

Bayaan kasoo baxay xafiiska booliska degmada Clayton ayaa lagu yiri “Sarkaalkii sida weyn u garaacay Roderick Walker wuxuu waayaya shaqadiisa kaddib markii uu awood xad dhaaf ah adeegsaday.

Roderick Walker oo 26 jir ah, wuxuu saarnaa baabuur xilligii ay booliska qabanayeen kaddib markii lagu eedeeyay in gaarigii uu la socday uu nalka dambe ka jabnaa.

Arrintani ayaa Jimcihii ka dhacday meel u dhaw garoonka diyaaradaha Hartsfield-Jackson Atlanta xilli Mareykanka ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay tacaddiyada ay geystaan booliska iyo falalka cunsurinimada ah ee lagula kaco dadka madowga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Putin oo xajiiyey in Ruushku uu markii u horeysay adeegsaday..

Caydiid Ali

(Sawirro) Booliska DF oo lagu eedeeyey iney rasaas ku fureen hoyga Shiikh Shariif

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo abaal-marino qaali ah ku bixiyey tartan lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---