Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano & Saraakiil dedaal ugu jira sii deynta ragga u xiran kiiska Xamdi Max’ed (Magacyada)

Ehelada Marxuumad Xamdi Max’ed Faarax oo dhawaan Kufsi iyo dil argagax leh loogu geystay Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaano awood is bidaya iyo saraakiil ciidan ay wadaan qorshe guracan  oo ay ku doonayaan iney xabsiga kaga sii daayaan rag u xiran kiiskan.

Xubno ka tirsan ehelada Marxuumada ayaa sheegay iney la socdaan dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay wadaan xildhibaanada iyo saraakiisha isku dayaya iney geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sii deynta ragga xiran.

Xildhibaanada doonaya iney xabsiga ka sii daayaan eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo labaduba ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya, awood dheeri ahna isna bidaya.

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka doonaya in xabsiga laga sii daayo ragga tuhunka u xiran Maareeyaha Garoonka Aadan cadde iyo Sarkaal sare oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya kuwaasoo iyana wada dhaqdhaqaaq xooggan oo lagu furdaaminayo eedeysanayaasha.

Xildhibaanadan iyo Saraakiisha doonaya iney xabsiga ka saaraan dadka u xiran kiiska Kufsiga iyo dilka ayaa la sheegay inay isku heyb yihiin eedeysanayaasha xiran, waxayna isku dayeen iney qaab damiin ah ku sii daayaan, si ay ugu suuragasho iney baxsadaan, inkastoo aysan u suuragelin.

Talaabadan foosha xun ee ay ku kacayaan Xildhibaanada iyo Saraakiisahan ayaa fajaciso iyo yaab ku noqotay ehelada ay ka soo jeedo Xamdi oo dalbanaya cadaalad iyo guud ahaan Soomaalida, waxaana saraakiisha baaritaanka wada loogu baaqay ineysan dheg jalaq u siinin cadaadis kasta oo ku yimaada ayna waajibaadkooda u gutaan  si hufan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen oo aan sii jiri karin” (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo shaacisay hadal ay ka carootay Masar & Guddoomiye ka badbaaday isku day dil

Caydiid Ali

Dahab Qaali ah iyo macdan kale oo kusoo daatay garoon Diyaaradeed iyo baaritaano socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---