Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf hareeyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamulada

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirka u dhaxeeya Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, shirkan ayaana looga arinsanayaa qodobo ay ugu horeeyso doorashada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka arinsanaya sidii la isugu raaci lahaa nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo waliba waqtiga ay dhaceyso.

Sida aan wararka ku heleyno Khilaaf ayaa hareeyay shirka socda, waxaana Madaxda maamul goboleedyada isku hayaan hir galinta heshiiskii ugu dambeeyay ee Dhuusomareeb iyo in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaar.

Maamulada taageersan Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaya in sidooda loo qaato qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb 3 halka Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland iyana ku doodayaan in qodobada qaar isbadal lagu sameeyo.

Qodobada la isku hayo uu muranka ka jiro ayaa waxaa kamid ah tirada ergada Xildhibaanada soo dooraneysa iyo sidoo kale doorashada Xildhibaanada hal maalin wada dhacdo.

Waxaa sidoo kale khilaaf ka jiraa in magaalooyinka doorashada Xildhibaanada golaha shacabka la kordhiyo, maamulada qaar ayaana soo jeediyay in doorashada lagu qabto caasimadaha dowlad goboleedyada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusomareeb intooda badan isbadal lagu sameyn doono halka qodobada qaarna ay suurto gal tahay in sidooda loo qaato.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in ugu dambeyn shirkooda laga soo saaro War Murtiyeed lagu faah faahinayo qodobada ugu dambeyn isla gartaan kuna heshiiyaan.

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxdii hore ee dalka oo Janaaso ku tukaday Marxuum Xasan Abshir (Sawiro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

Cabdi Cade

Madaxweyne Rajapaksa iyo Ra’isul Wasaarihiisa oo Cadaadis kadib aqbalay in ay is casilaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---