Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Turkiga oo dib ula soo baxay Markabka Oruc Reis ee Xiisada abuuray 

Dowlada Turkiga ayaa dib ula baxday Markabka sahanka ah Oruc Reis ,kaa oo xiisad siyaasadeed oo aad u xoogan ka dhax abuuray Dowladaha Turkiga, Gariiga iyo sidoo kale Jaziirada Qubrus oo isku haya biyaha uu sahanka ka waday Markabkan.

Markabkan oo baareysay Gaaska iyo batroolka ku jira badda dhexe ee Mediterranean-ka ayaa dib ugu laabtay  xeebaha koonfureed ee dalka Turiga iyo dekada Antalya, waxaana markabkan galbinayay Maraakiib nuuca dagaalka uu Turkigu leeyahay.

Dalalka Turkiga iyo Gariiga oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO ayaa ku muransan qalfoof-badeedka iyo xuquuqda lahaanshaha kheyraadka tamarta ee laga heli karo bariga badda Mediterenian.

Xiisadaha ayaa cirka isku sii shareeray bishii hore ka dib markii Ankara ay u dirtay markabka Oruc Reis inuu soo calaamadeeyo rajada laga qabo qodista saliidda iyo gaaska ee biyaha ay kala sheegtaan dalalka Greece, Qubrus iyo Turkiga.

Dowlada Gariiga ayaana soo dhaweesay talaabadan ay qaaday dowlada Turkiga ee dib ula baxday Markabkan xiisada abuuray, waxa ayna Gariiga rajo ka muujisay in xal laga gaaro xiisaada taagan.

Turkiga ayaa si isdaba joog ah u sheegay in uu u furan yahay in muranka kala dhaxeeya Gariiga lagu xalliyo wadahadal,waxa uusa diiday shuruudo kasta oo horudhac ah, oo ay ka mid tahay in wadahadalka ka hor uu markabka Oruc Reis uu joojiyo howlaha sahminta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Doorka Warshadaha yar yar ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha dalka

Cabdi Cade

Jubbaland oo ka farxisay boqolaal qaxooti ka soo laabtay xerada Dhadhaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Yaa gadaal ka riixaya Go’aanada kasoo baxay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Laftagareen ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---