Wareegto kasoo baxday Sii hayaha Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa lagu baabi’iyay Xoghayihii joogta ee Wasaaradaasi laheyd iyadoona lagu soo koobay Agaasime Guud oo kaliya.
Xoghayihii Joogtada Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hada loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada, waxaa shaqooyinka kale qabanaya Agaasimo waaxeedyo.
Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya oo awood badan ku leh Dowlada ayaa marar badan sameeyay isbadalo iyo magacaabis xilal ku dhisan qabyaalad eex iyo ku takri fal awoodeed ,mana jirto cid talaabo ka qaaday Wasiirka oo xiriir dhaw la leh Farmaajo