Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaankii Ugu horeeyay oo si adag uga hadlay Kufsigii iyo Dilkii ka dhacay Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa si adag uga hadlay kufsigii iyo dilkii dhawaan Muqdisho loogu geestay Xamdi Maxamed Faarax.

Odawaa ayaa sheegay in falka kufsiga iyo dilka loo geestay Xamdi Maxamed Faarax uu ahaa  mid ka baxsan hidaha iyo dhaqanka suuban ee bulshadeena, waxa uuna sheegay in ay sii kordhayaan falalkan argagaxa leh ee kufsiga iyo dilka ah.

Xildhibaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Framaajo aysan wali ka hadlin falkan aragaga lahaa ee loo geestay Gabadha ardayada aheyd sidoo kale aan bulshada lala wadaagin xogta falkaasi.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Xildhibaanka arintan uga hadlay

Magaalada Muqdisho isbuucan waxaa ka dhacay fal arxan daro ah, oo isugu jira kufsi iyo dil, falkaas oo ah mid ka baxsan hidaha iyo dhaqanka suuban ee bulshadeena.
 
Falkaas waxaa lagula kacay gabar soomaaliyeed, oo ahayd ardayad ka qalin badalatay waxbarashada Dugsiga sare, imtixaankii ay Wasaaradda waxbarashadu qaaday sanad dugsiyeedkaanna qayb ka ahayd, waalidkeedna ay dadaal badan ku bixiyeen korinteeda iyo waxbaristeeda.
 
Sanadahaan falalka la xariira kufsiga ee ka dhanka ah haweenkeena, aad ayeey u kordhayeen, si looga hortago waxaan u baahanahay iskaashi dhexmara bulshada qaybaheeda iyo dawladda, cid kastana kiilinteeda buuxiso.
 
Arrinta la yaabka leh waa in dawladda uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo aanay ka hadal ilaa iyo hadda qadiyadaan, Booliska iyo Xafiiska xeerilaalinta oo ah hay’adaha qaabilsan baarista qadiyadaan ilaa iyo hadda xog ku saabsan arriinkaan bulshada lama wadaagin, taas oo ka horimanaysa qodobka 32, ee dastuurka, Sidaas si la mid ah Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda aadnaha kaalnteeda ma muuqato, mana gudan kaalinti kaga aadanayd Guddiga Madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, oo xeerki lagu dhisi lahaa la ansixiyay 2016. Taas oo muujinaysa in gaabis iyo mas’uuliyad daro baahsan oo dhanka dawadda ah in uu jiro.
 
Kufsiga waa fal ka baxsan xuquuqda aadanaha, kana soo horjeeda dhaqanka, akhlaaqda iyo hab dhaqanka suuban ee diinteenu fartay. Sidaas darteed waa in uu noqdaa qadiyad aan si wayn uga dhiidhino dhamaanteen.
 
Waajibka nasaaran waa inaan muujinaa sida aan uga xunahay kufsiga iyo dilka Xamdi lagula kacay, kana kawada shaqeeyno sidii ay Xamdi caddaald u hali lahayd, una hiilino haweenka soomaaliyeed, dadaalna ku bixino in arxan laawayaasha falkaas foosha xun ku kacay ay ciqaabta ay mudan yihiin helaan.
 
Taliyaha booliska , Xeerilaalinta iyo dhamaan Hay’adaha qaabilsan baarista waa in ay gutaan waajibka qaran ee saaran, si dagdag ahna cadaaladda u hor keenaan kuwii falkaas gaystay, lana marsiiyo mudankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi sheegay in masiirka dalka u muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland & Ilaaladiisa oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo Cadaadis Xoogan ku heysa Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Hawiye oo …

Caydiid Ali
Taboola Ads ---