Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan ka dhacay Wasaarada Waxbarashada & Wasiir Goodax oo weli lagu dhegan yahay

Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda waxbarashada  guddiga dalladaha waxbarashada dalka.

Kullanka ayaa ku saabsanaa  dib-u-eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay dalladadaha ka qeyb-qaataan dadaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka sida wasaarada waxbarahadu sheegtay.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kula dardaarmay in dalladaha ay dowladda kala shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi heerka waxbarashada dalka iyo in sidii loogu talagalay loo dhaqan galiyo Manhajka ay dowladda Soomaaliya soo diyaarisay maadaama la dhameystiray manhajka ee uu hadda yahay dugsiyada Hoose, Dhexe iyo sare.

Warar laga helayo il ku dhow kulankaas ayaa sheegaya in madaxda daladaha ay kala hadleen Wasiirka walaaca iyo shakiga ay weli la qabaan natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee Wasaaradu qaaday dhowaan oo muran badan uu ka dhashay ka dib markii iskuulada gobolka Banaadir ay ka dhaceen ardayda ugu badan ee imtixaanka ku fashilmay.

Madaxda daladaha ayaa ka codsaday Wasiirka inuu qaado talaabo lagu xaqiijinayo in imtixaanka si sax ah loo saxay, lana sameeyo guddi isku dhaf ah oo hubiya arrintaas, iyadoo Wasiir Goodax uu arintaas ka gows adeygay, isagoo ku gaabsaday inuu ka soo fiirsan doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Biden oo oo si weyn u kordhiyey tirada Qaxootiga Maraykanku qaato sanad walba

Caydiid Ali

Daawo: Waare oo Muqdisho ka bilaabay qorshe cusub & Puntland oo mar kale eedeysay DF

Caydiid Ali

Galmudug oo go’aano ka soo saartay ka hortagga cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---