Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal Khasaare sababay oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Maamulka K/Galbeed

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay israsaaseyn degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed oo dhawaan la geeyay degmadaas.

Israsaaseynta oo ka dhacday Suuqa Muuri ee u dhow Aargada Degmada Wanlaweyn ayaa ka dambeysay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay laba ka mid ah Askarta oo halkaas ku sugnaa sida dad Goobjoogayaal ah ay sheegayaan.

Waxaa ku geeriyooday israsaaseynta saddex ruux oo laba mid ah ay yihiin Ciidamadii dagaalamay halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo mid kamid ah ay haweeney tahay taasoo xaaladeeda caafimaad aad u liidato.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Walaweyn, isla markaana uu xiran yahay suuqa Muuri oo ah halka ay labada ciidan ku dagaalameen.

Degmada Walanweyn ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal beeleedyo soo laab laabtay,waxaana taasi ay sababtay in Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay Ciidamo geeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad Caawa ka taagan magaalada Cadaado iyo Wasiir taageersan Xaaf oo Ciidamo badan …

Cabdi Cade

Baarlamanka Kenya oo loo gudbiyey mooshin ku aadan muranka Badda

Cabdi Cade

Banaan bax weyn oo lagu soo dhaweenayo Cabdirashiid Janan oo ka socda Baled Xaawo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---