Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo qabatay Diyaarad Drone ah kusoo dhacday Deegaan ay maamulaan (Sawirro)

Xarakada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay diyaarad nuuca Drone-ka loo yaqaan ee wax basaas,a taas oo kusoo dhacday deegaan gacanta ku hayaan Al Shabaab oo kuyaala duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaana la wareegay diyaaradan yar ee kusoo dhacday deegaanka ay maamulaan, waxaana diyaaradan ku xirnaa kaamirooyin kuwa wax lagu basaaso ah.

Sida aan wararka ku helnay diyaaradan ayaa waxaa isticmaali jiray ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana diyaaradan yar iyo qalabkii ku xirnaa goob aan la aqoon u qaatay kooxda Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale marar badan gacanta ku dhigtay diyaarado nuuca wax lagu basaaso ah oo kusoo dhacay deegaano ay maamulaan, waxaana diyaaradahan muuqaalo iyo sawirro ka duubaan deegaano Al Shabaab joogaan oo bartilmaameed ah.

Related posts

Masuuliyiin booqatay goobo loo qorsheeyay in la dejiyo Ganacsatadii ku hanti beelay Suuqa Waaheen (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo soo saaray Wareegto lagu Magacaabay..

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la dardaamay Guddiga doorashada heer federaal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---