Dowlada Gariiga ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay kusoo iibsato diyaarado dagaal iyo hub culus ,kadib xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muran dhinaca Badda ah oo kala dhaxeeya dowlada Turkiga.
Xiisada u dhaxeysa dowladaha Gariiga iyo Turkiga ayaa cirka isku sii shareereysa marbo marka ka dambeysa, waxaana laga cabsi qabaa in labada dowladood khilaafkooda uu dhaliyo isku dhac.
Rai’sul wasaaraha dalka Gariiga Kyriakos Mitsotakis, ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladiisa soo iibsaneyso diyaarado dagaal iyo hub kala duwan si ay u xoojiyaan awoodooda dhinaca milatariga ah.
Waxa uu sheegay Kyriakos Mitsotakis in dowladiisa soo iibsaneyso 18-diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, afar Markab oo iyana ah nuuca dagaalka iyo sidoo kale afar diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca.
Ra’isul Wasaaraha dalka Gariiga ayaa sidoo kale sheegay in la kordhinayo ciidamada dalkaasi, isagoona tilmaamay in la joogo xiligii la xoojin lahaa korna loo qaadi lahaa awooda ciidamada Gariiga.
Xiisada u dhaxeysa Dowladaha Turkiga iyo Gariiga oo daris ah sidoo kale kawada tirsan Gaashaanbuurta NATO ayaa laga cabsi qabaa in dagaal isku rogo hadii aan lagu guuleesan wadahadalo la doonayo in xiisadaasi xal looga gaaro.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com