Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qodobo adag oo hor yaalla Wadahadalka u furmay Taliban & dowlada Afghanistan

Taliban iyo dowlada Afghanistan ayaa wadahadallo Nabadeed oo taariikhi ah waxay uga furmeen magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, si ay u dhameeyaan colaadda 20 sano ka taagneyd dalkaas ee uu dhiigga badani ku daatay

Saraakiil sar sare oo ka socda dowladda Afghanistan iyo ururka Taliban ayaa markii ugu horreeysay si fool ka fool ah oo rasmi ah isku soo horfariistay, iyadoo furitaanka shirka uu ka qeyb galay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Taliban ayaa dagaal ka wadday Afghanistan tan iyo sannadkii 2001-dii, markaasoo ay Mareykanka iyo xulufadiisa weerareen si ay u soo qabtaan ama u dilaan Osama bin Laden, oo ahaa hogaamiyihii Al Qaacida oo fulisay weerarkii Mareykanka lagu qaaday Sept. 11 2001.

Ka qeybgalkiisa ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyo diblamaasiyadeed oo uu maalmahan maamulka Trump ku dhisayay siyaasaddiisa dibadda, xilli ay soo dhowaatay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Pompeo ayaa u sheegay labada dhinac inay xambaarsan yihiin mas’uuliyad culus isla markaana ay heystaan fursad ay ku xallin karaan kala qeybsanaantooda.

Labada dhinac ayaa waxaa horyaalla qodobo adag oo laga rabo in ay xal ka gaaraan kuwaasoo ay ka mid yihiin xabbad joojin joogta ah oo dhaqan gasha, hub ka dhigista tobonaan kun oo maleeshiyaad ah oo isugu jira Taliban iyo kuwo daacad u ah dagaal oogayaal qaarkood ee taageera dowladda, iyo xuquuqda haweenka.

Waxay kaloo ka doodi doonaan, isbadal lagu sameeyo dastuurka iyo sidii ay labada dhinac u qeybsan lahaayeen awoodda iyo talada dalka.

Mareykanka ee Taliban ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo ay labada dhinac qalinka ku duugeen horraantii sanadkan si loo soo afjaro dagaalka muddo ku dhow 20 sano ka socotay dalkaasi, waxaana uu heshiiskaasi gogol-xaar u noqday wadaxaajoodka dhinacyada Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & Raisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo Wiilkiisa curadka ah u magacaabay in uu noqdo Taliye Ciidan 

Cabdi Cade

Qarax aad u xoogan oo goordhaw lagu weeraray xarunta Degmada Wardhiigley

Cabdi Cade
Taboola Ads ---