Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney fal argagax ku sameysay xubin ka tirsan jirkeeda si ay taajir u noqoto (Sawirro)

Haweeney u dhalatay dalka Slovenia ayaa lagu helay dambi ah in ay si ula kac ah isaga jartay gacanteeda, iyadoo dooneysay iney Qiyaanto shirkadaha caymiska.

Maxkamad Ljubljana ayaa ogaatay in Julija Adlesic, oo 22 jir ah, ay qaadatay shan caymis sanadkii ka horeeyay dhaawaca inkastoo Adlesic ay beenisay inay si ula kac ah gacanteeda isaga jartay.

Waxay dooneysay inay kasbato lacag gaareysa € 1m (£ 900,000, $ 1.16m) oo kharash bixin ah balse Waxay hadda wajaheysaa labo sano oo xabsi ah, halka saaxiibkeed loo jaray xukun seddex sano ah.

Shirkadaha caymiska ayaa maalgelin siiya macaamiishooda kolka uu dhaawac soo gaadho ama ay hanti ka burburto.

Adlesic iyo tiro eheladeeda ah ayaa la xiray sanadkii 2019 ka dib markii ay timid isbitaalka iyadoo gacanteeda ay go’nayd intii hore.

Baaritaan dheer ka dib Maxkamaddu waxay ogaatay in iyada iyo saaxiibkeed ay si ula kac ah uga yimaaddeen gacantii go’nayd halkii ay keeni lahaayeen si loo hubiyo in naafonnimadu ay joogto u noqon karto iyo in xal la keli karo, iyadoo dacwad oogayaasha ay sheegeen in tani ay cadeyn u tahay in dhaawaca uu ahaa mid ula kac ah, ayna ka dhigan tahay inay isla ogaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha oo jawaab kulul ka bixiyey eedeymo culus oo kaga timid Maraykanka

Caydiid Ali

Raila Odinga oo loo dhaariyay Madaxweynaha Dalka Kenya (Daawo Sawirada)

admin

Masar oo ka carootay hadal ka soo yeeray Wasiir Israaiili ah

Caydiid Ali