Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Deni & Waare oo kulan gaar ah yeeshay, kana heshiiyey madmadow ka dhex jiray

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ugu yimid.

Waare iyo Deni ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada iyo doorashooyinka dalka, gaar ahaan shirka wada tashiga ee la filayo inuu Muqdisho uga furmo madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Labada hogaamiye ayaa ka heshiiyey madmadow aan sidaa u weyneyn oo soo kala dhex galay ka dib markii Waare oo maalmo ka hor u sugnaa Baydhabo uu si kulul u weeraray hab dhaqanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo ka hor yimid ka qeyb galka shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Deni iyo Axmed Madoobe ku sifeeyay shaqsiyaad aan rabin in xal rasmi ah laga gaaro muranka baahsan ee arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkii dambe abuuray jahwareer siyaasadeed, isagoo tusaalena ugu soo qaatay iney la mid yihiin sida Atlaskii reer Giriigga ee aaminsanaa inuu isagu dhabarka ku sido culeyska caalamka oo dhan.

Labada hogaamiye ayaa ka mid ah madaxda la filayo iney ka qeyb galaan shirka wada tashiga dowlad goboleedyada iyo DF ee la filayo inuu dhowaan ka furmo Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo abaabul dagaal iyo dhiirogelin kawada xadka Hirshabelle (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabsi la soo deristay Netanyahu & Baaritaan bilowday

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Taliyaasha iyo Agaasimayaasha uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---