Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo safar 24 saac qaatay ka dib ku soo laabay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib Safar deg deg ah oo uu shalay ku tagay Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa halkaas kaga soo qaybgalay Aaska Allaha  u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin iyo dad kale oo shalay lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Masaajid ku yaalla Kismaayo

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay kaasoo maalmaha soo socda furmaya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor oo safar deg deg ah shalay ku tagay Nairobi ayaa isna ku soo laabtay Muqdisho

Axmed Qoor-qoor ayaa la sheegay inuu Nairobi kula kulmay Saraakiil ka tirsan dowlada Imaaraadka Carabta oo xiligan aysan isku fiicneyn dowlada Madaxweyneb Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiintii Dambiga ku weysay Maxkamadda G/Banaadir oo wali xiran iyo Shaki soo baxay

Cabdi Cade

(Akhriso) Taliyihii hore ee NISA Fahad Yasin oo talooyin xasaasi siiyey Madaxda sare ee DF

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo weerartay saldhig kale oo ciidamada ATMIS ku leeyihiin Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---