Taliska ciidanka Boolisla Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray dil iyo kufsi arxan daro ah oo xalay loogu geystay dhisme ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho gabar lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax.
Gabadhan ayaa waxaa kufsaday ka dibna dabaq ka soo tuuray koox dhalinyaro ah oo halkaas ku shirqoolay, iyadoo taliska boolisku sheegay iney u soo xireen falkaas illaa afar qof, ayna socdaan baaritaano kale.
hoos ka akhriso qoraal boolisku soo saareen
War-saxaafadeed
Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda Maajo in laga Soo tuuray Marxumad Xamdi Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay Ceelbuur dagan Degmada Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkan kuna baastay.
Meesha uu Kiisku marayo.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurunta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran.
Ugu danbeyn.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, u cadeynaynaa in ay socoto baaristu dhawaana aan natiijada la wadaagidoonno, qof kasta oo ay ku cadaatana aan Cadaalada horleenidoonno, hadii alle idmo.
Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
G/lle Sadiiq Aadan Duudishe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com