Waxaa saakay oo sabti ah lagu waday in magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmo shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira .
Shirkan ayaa qorshuhu ahaa in saakay 10-ka subaxnimo ka furmo magaalada Muqdisho, hasa ahaatee waxaa furitaanka shirkan soo wajahay caqabado dib u dhac u keenay ay ugu horeeyaan maqnaashiyaha Madaxda Jubbaland iyo Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay galab safar deg deg ah ku aaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halka Madaxweynaha Jubbaland isna shalay galab Kismaayo u aaday si uu uga qeyb galo aas loo sameenayo Gudoomiyihii rugta Ganacsiga ee Jubbaland.
Labadan Madaxweyne ayaa saakay la filayay in xili hore kusoo laabtaan magaalada Muqdisho hasa ahaatee dib u dhac ku yimid safarkooda, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirka laga yaabo in uu furmo galinka dambe ee maanta hadii ay yimaadaan labada Madaxweyne ee maqan halka warar kalana sheegayaan in suurto gal tahay in beri u dhaco furitaanka shirka.
Shirka dhax maraya Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa dhoor mar dib u dhac ku yimid, waxaana la filayaa in shirkan marka uu furmo gabo gabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed ku xusan qodobda lagu heshiiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com