Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Ardaydii safka hore ka galay Imtixaanka Dugsiga sare oo Qarax lagu dilay

Waxaa maanta qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ku geeriyooday Taabit Cabdillaahi Xasan Rooble oo kamid ahaa ardaydii kaalmaha sare ka galay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare.

Taabit Cabdillaahi Xasan ayaa kamid ahaa 100-ka arday ee ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ee dugisa sare, waxaana ardaydan geeriyooday oo ka baxay dugsiga sare ee Ganaane waxa uuna galay kaalinta 22-aad.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeesay geerida ku timid Taabit Cabdillaahi oo kamid noqday dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii Kismaayo.

”Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, masuuliyiinta, bahda waxbarashada iyo bulshada reer Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Taabit Cabdillaahi Xasan Rooble oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay.ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaarada Waxbarashada.

Qaraxyada iyo dagaalada ka dhaca gudaha Soomaaliya ayaa waxyeelo kasoo gaartaa dad badan oo shacab ah oon waxba galabsan, waxaana dadka waxyeelada kasoo gaarta kamid ah ardayda wax ku baratay duruufo adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir faahfaahin ka bixiyey Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Khaliif A Cumar iyo Amb Mahmet Yilmaz oo arin Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jeneraal Odawaa oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Nacnaca

Cabdi Cade