Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta si deg deg ah ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib qarax ismiidaamin ah oo maanta halkaasi ka dhacay.
Axmed Madoobe ayaana la sheegay in magaalada Kismaayo ugu laabtay si uu uga qeyb galo aas magaaladaasi loogu sameenayo Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin oo maanta qarax lagu dilay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa aaska kadib la filayaa in uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho oo la filayo in beri ka furmo shirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Shirka Dowlada federaalka iyo dowlaha xubnaha ka ah ayaa la filayaa in beri galinka dambe in uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana caawa caasimada ka maqan madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo galabta safar deg deg ah magaalada uga baxay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com