Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa safar deg deg ah oon horey loo sii shaacin maanta ugu ambo baxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya .
Diyaarad gaar ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa Madaxweynaha Galmudug iyo xubno la socda ka qaaday garoonka diyaarada Aadan Cadde, lamana oga ujeedka safarkan deg dega ah uu Qoor Qoor ugu ambo baxay dalka Kenya.
Madaxweynaha Galmudug ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka ay beri yeelanayaan Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira oo kuwada sugan Muqdisho marka laga reebo Madaxweyne Qoor Qoor.
Warar soo baxaya oon helnay ayaa sheegaya in beri laga yaabo in si deg deg ah ugu soo laabto magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug si uu qeyb uga noqdo shirka beri u furmaya Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com