Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Shaafi Raabi oo u geeriyooday dhaawacii qaraxa Kismaayo ka soo gaaray

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa goor dhow ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday.

Qaraxan ayaa duhurnimadii maanta lagula beegsaday marxuumka Masaajidka Qadiim ee magaalada Kismaayo Hortiisa, wax yar ka dib markii laga soo baxay salaada Jimcaha, waxaana halkaas isku qarxiyey nin soo xirtay waxyaabaha qarxa.

Guddoomiye Shaafi Raabi ayaa marka hore waxaa qaraxaas kasoo gaaray dhaawac culus oo loola cararay Isbitaalka Kismaayo, halkaasoo wax yar ka hor uu ku geeriyooday, intii lala tacaalayey xaaladiisa Caafimaad.

Waxaa sidoo kale, qaraxaas ku dhintay labo qof oo uu ku jiro ninkii isqarxiyey halka qaar kale oo dhaawac ah la dhigay goobaha Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo si kulul uga hadlay weeraradii lagu qaaday Aw-dheegle & Bariire

Caydiid Ali

Maxkamadda Sare ee dalka oo u fariisatay dacwad ka dhan ah Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

Madaxweyne Waare: “Lacag dhan $1,142,000 ayaa maanta naga soo gaartay dowlada Somalia”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---