Qarax weyn ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga masaajid ku yaalla magaalada Kismaayo.
Weriyeyaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof soo xirtay waxyaabaha qarxa
Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan.
La soco wixii warar ah ee ka soo kordha..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com