Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Qoor-qoor iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka?

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tegay Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh halkaasoo uu kulan kula qaatay Madaxda Xisbiyada mucaaradka ah ee dalka.

Xubnaha kale ee ka qeyb galay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sambaloolshe iyo xubno kale.

Kulankan ayaa looga hadllay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii loo dhammeytiri lahaa heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb 3.

Madasha Xisbiyada Qaran ee Xasan Shiikh uu ka tirsan yahay ayaa horey u soo dhoweeyey heshiiskuu Dhuusamareeb 3 ee ay saxiixeen madaxda DF, 3 ka mid ah dowlad goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, kaasoo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay sababta

Cabdi Cade

Ciidamada Mareykanka oo Soomaaliya ka fuliyey duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

Israel oo caawa duqeysay caasimada Lubnaan ee Beirut (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---