Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqorka Sacuudiga oo deg deg xilkii uga qaaday Shiikh C/raxmaan Al-Sudeysi (Sababta)

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Shiikh C/raxmaan Al-Sudeysi oo ahaa Khadiibka Masjidka barakeysan ee Xaramka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Shiikh Sudeysi uu Jimcihii la soo dhaafay ka jeediyey Xaramka khudbad uu ku taageeray in xiriir lala sameysan karo Yuhuuda taasoo loo fasirtay in Shiikhu u gogol-xaarayo xiriir Sacuudigu la sameysan doono Israel, maadaama Imaaraadka oo sacuudigu xulafo yihiin uu la heshiiyey Yuhuuda.

Boqor Salmaan ayaa u yeeray C/raxmaan Al-Sudeysi isagoo si kulul u canaantay talaabada uu qaaday iyo hadalada ka soo yeeray oo uu sheegay iney khilaafsan yihiin siyaasada Sacuudiga iyo khadka Boqortooyadu u jeexday in dalkaas lagu hago.

Shiikh C/raxmaan Al-Sudeysi ayaa u qiil dayey khudbadiisa carada abuurtay, isagoo xusay inuusan ula jeedin sida loo fasiray balse ay si khalad ah u buunbuuniyeen warbaahinta dalalka Qatar iyo Turkiga.

Hase ahaatee Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa hadalkaas dheg jalaq u siinin isagoo u sheegay Shiikha inuu ka qaaday xilkii khadiibka masjidka Xaramka, uusana khudbad dambe ka jeedin doonin halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibeda oo gaari qafilan ka guddoomay danjire Xasan bin Xamsa (Sawirro)

Caydiid Ali

Cidda baahisay warqadii odayaasha Beelaha Hawiye oo la ogaaday & Qaraxyada Muqdisho oo soo badanaya !!

admin

Madaxweyne Xasan oo arrimo muhiim ah kaga hadlay khudbadii uu jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---