Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo War kasoo saartay Qaraxyadii iyo Madaafiicdii caawa laga maqlay Muqdisho

Waxaa caawa fiidkii tiro hoobiyaal ah sidoo kale bar bar socdeen qaraxyo laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana mar qura magaalada laga dareemay xaalad cabsi ah.

Madaafiicda iyo qaraxyada ayaana hal mar laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana qaar kamid ah madaafiicda oo la sheegay in lala bartilmaameedsaday Madaxtooyada Soomaaliya ku dhaceen xaafado katirsan Muqdisho.

War kasoo baxay booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay waxii caawa ka dhacay magaalada in ay ahaayeen qaraxyo macmal ah ama dheemish, waxa ayna sheegeen booliiska in qaraxyadaasi aysan geesan wax khasaaro ah.

Afhayeenka Booliska  Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali ayaa  sheegay in abaare 8:20pm kooxda Al-shabaab ay si dhuumaalaysi ah ku tuureen ilaa 4-qarax oo ka samaysan baaruud Dheemish ah oo aan gaysan wax qasaare ah.

Waxa uu xusay afhayeenka in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxyadan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho uu sheegay in lagu doonayay in lagu khal khal galiyo amaanka magaalada laguna cabsi galiyo shacabka.

Qaraxyada iyo madaafiicdii caawa laga maqlay magaalada Muqdisho kadib ayaa qeybo badan oo magaalada lagu soo daadiyay ciidamo aad u badan kuwaa oo wadooyinka qaarkood xiray sidoo kale howlgalo balaaran bilaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikan oo iska indha tiray cudurka Caronavirus oo doorasho Madaxweyne ka bilaabatay

Cabdi Cade

Wasiir Goodax oo ka hadlay sida laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka

Caydiid Ali

James Swan oo dowlado ay ku jirto Kenya kala hadlay arrimaha doorashada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---