Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic Caawa lagu garaacay Madaxtooyada Somalia iyo Qeybo kamid ah Muqdisho

Waxaa caawa qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho laga maqlay jugta madaafiic lagu garaacay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ayna madaafiicdan cabsi badan ku beereen dadka shacabka.

Madaafiicdan oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood ay ku dhaceen degmooyin kala duwan oo kuyaala gobolka Banaadir .

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan dhawaqooda caawa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicda kadib howlgalo roondo ah bilaabay ciidamada booliiska.

Weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya xili maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya shir ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha madaafiicdan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Reer Cadaado oo go’aan kasoo saaray in Xaaf soo dhaweenayaan iyo in kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo tagay Qabuuro bur burin lagu bilaabay Amar cusubna bixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Geel 100 km usoo jaray si uu ula midoobo qoyskii lahaa oo iska iibiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---