Allbanaadir.com
NEWS

Gabar qorsheysay iney qaarajiso Madaxweyne caan ah oo Maxkamad la soo taagay (Daawo Sawirro)

Gabar yar oo si joogto marka ay asxaabteeda qadka kula sheekeysanayso sheegi jirtay in ay doonayso in ay disho madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa maxkamad lasoo taagay.

Gabadhan ayaa lagu magacaabaa Safaa Boular, waxayna jirtaa 18 sano, waxaana la sheegay in ay duufsadeen kooxda Daacish.

Maxkamadda ayaa laga hor sheegay in nin ay kala xiriiri jirtay Suuriya uu weydiiyay su’aal ah sifada ay ku dili karto Obama, kadibna ay u dirtay sawir qarax.

Gabadha oo ku nool koonfurta London ayaa beenisay eedeymo loosoo jeediyay oo ahaa argagixisinimo.

Garyaqaankeeda u doodaya ayaa sheegay in gabadhan uu tashkiiliyay nin saaxiibkeed ah oo horey loo duufsaday.

Xeer illaaliye Duncan Atkinson ayaa sheegay in gabadhan ay 17 jir ahayn marka ay qoraaladan direysay iyada oo la sheekeysanaysay mintidiinta Daacish.

Gabadhan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay qorsheynaysay in ay qaado weeraro loo adeegsado garneelo gudaha Britain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Lafta Gareen oo magacaabay Taliyaal Ciidan (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Rasaas caawa la isku weydaarsaday Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Koobka K/Cagta adduunka oo ka bilowday Ruushka & Ciyaartii furitaanka oo 5-0 lagu badiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---